Ruushka oo sheegay in ay tallaabo ku habboon qaadayaan haddii ay Finland ku biirto Gaashaanbuurta Nato

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov oo Arbacadii la soo dhaafay (18.1.2023) xarunta wasaaradda kula hadlay warfidiyeenno ka kala socday Ruushka iyo dibadda ayaa sheegay, in Ruushku ay tallaabo ku habboon ka qaadayo xuduudaha ay Finland la wadaagto, haddii ay Finlnad ku biirto Bah-wadaagta ciidan ee Nato.

Hadalkan Lavrov ee ku aaddan ku biirista ay Finland ku biireyso Nato ayaa yimid kagadaal markii uu weriye ka socday Raadiyaha Iceland weydiiyay wasiirka sida uu u arko hadalkii Madaxweynaha Finland Sauli Niinistö uu munaasabadda sannadka cusub ku qaadaa-dhigayay halista laga filan karo habdhaqanka qar-iska-tuurnimada ah ee Ruushka.

Wasiir arrimaha dibadda ee Ruushka Lavrov oo Finland ka sii hadlayay ayaa sheegay, in Finland iyo Ruushka uu muddo dheer ka dhexeeyay xiriir saaxiibtinnimo, laakiin hadalka Finland ee ku wajahan Ruushka uu si degdeg ah isu beddelay muddooyinkan dambe. Lavrov ayaa hadalkiisa raaciyay, in haddii ay Finland xubin ka noqoto Nato ay tallaabo taas ku ku habboon ka qaadayaan xuduudda ay labada dal wadaagaan.

Ma han markii ugu horreysya ee uu Ruushku sheego in ay ka falcelinayaan haddii ay Finland ay Nato ku biirto, ee horay ayuu ugu goodiyay in ku biirista Nato ay Finland ku biireyso uu Ruushku si munaasab ah uga falcelinayo.

Finland iyo Sweden ayaa si wadajir ah oo degdeg ah u dalbaday xubinnimada Nato kaddib markii uu Ruushku weerar qaawan ku qaadday Yukreyn, weerarkaas oo weli socda, inkastoo uu Ruushku illaa iyo hadda ku hungoobay gaarista hammigiisi ahaa, in uu Yukreyn qabsado.

Waxaa la filayaa in ansixinta xubinnimada Nato ee Finland iyo Sweden ay dhowaan soo afxiranto, maadaama ay ansixinta xubinnimada ka dhimmnyihiin oo kaliya labo xubnood oo Nato ka tirsan, Turkiga iyo Hungary.

Isha warka: warbaahinta gudaha iyo caalamka