Ra’iisal wasaraaha Finland, Sanna Marin oo laga baaray Feyruska Korona iyo natiijada baaritaanka oo soo baxday

Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland Sanna Marin ayaa shaaciysay in laga baaray cudurka Korona waqti dhow kahor.

Ra’iisul wasaare Sanna ayaa sheegtay in natiijada saamigii laga qaaday ay noqotay mid negatiif ah, taas oo ka dhigan in aan laga helin wax xanuunka feyruska korona ah.

Sanna Marin ayaa fariinta ku saabsan natiijada saamigii laga qaaday ku soo qortay barta ay ku leedahay Twitter:ka

Waxaa kale oo ay Sanna sheegtay in inkastoo ay xaaladdeeda caafimaad deggantahay ay haddana ku sii shaqeyn doonto illaa iyo waqti aanay cayimin dhanka internetka, sababtoo ah waxaa weli haya astaamo la xiriia dhanka neefsashada.

Warkan waxaa diyaariyay Abdirizak Sugulle