Masjidka Xaramka ee Makka oo la joojiyay kala fogaanshihii dadka salaadda tukanaaya

Qaar kamid ah xujayda dalkaan Finland ee sannadkii 2018. Xuquuqda sawirka: shirkadda omra hajj ressor Finland

Isniin 18.10.2021… Masjidka weyn ee Xaramka Makka ee dalka boqortooyada Sucuudiga ayaa haatan la oggolaaday in ay ku tukan karaan tirada ugu badan ee uu qaado masjidku, iyadoo la joojiyay kala fogaanshihii dadka salaadda tukanaaya, waana markii ugu horraysay ee arrinkaas la oggolaado muddo sannad iyo bar ah tan iyo intii uu xanuunka safmarka ah ee feyruska korona ka bilowday caalamka.

Inkasta oo haatan calaamadihii hagista ahaa ee dhulka ku dhagganaa la ga fujiyay, haddana waxaa ay hawlwadeennada xaramku wali ka codsanayaan dadka in ay qaataan afshareerka, sidoo kale waxaa shardi ah in qofka soo galaya masjidka uu soo qaatay labada qaybood ee tallaalka kahortagga feyruska korona.

Feyruska korona ayaa labadii sano ee la soo dhaafay carqalad ku noqday gudashada xajka iyo cumrada oo sannad walba malaayiin muslimiin oo dunida daafaheeda ku kala nool ay halkaas cibaado u tagaan. Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa gabi ahaanba la joojiyay dadka xajka iyo cumrada ka soo aadaaya Sucuudiga dibaddiisa. Hase yeeshee sannadkaan ayay dad badan oo muslimiin ah rajaynayaa in cumrada iyo xajkaba dib loo furo.

Sidoo kale dhibaatada korona uu u gaystay dalka Sucuudiga ayaa ah, in uu carqalad ku noqday dhaqaale fara badan oo dowladda ka soo geli jiray xajka iyo cumrada.

 

Xigasho: Yle