Buugaagta qoraa sare Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” oo lagu soo bandhigay xarunta Ururka Kanava ee magaalada Helsinki

Madal aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Kanava ayna ka soo qaybgaleen hoggaanka, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, culimada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee Finland ku dhaqan ayaa maanta lagu soo bandhigay buugaagta qoraaga sare Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”.

Maamulaha ururka Kanava, Cabdulqaadir Hadaafow oo Madasha furay ayaa soo dhoweyn kaddib ka hadlay xaaladda guud ee dalka Finland iyo dadka magaca iyo mudnaanta ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed ee Finland.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland Mudane Ahmed Hassan “Towhiid” ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay midnimada Soomaalida Finland iyo gacmaha oo la isqabsadaa lagu gaari karo magac iyo mansab wanaagsan oo ay Soomaalida Finland ku yeelato Finland.

Macallimad Xaawo Xaaji oo muddo dheer macallimad ka ahayd dugsiyada Finland si gaar ahna u dhigi jirtay maadadda af Soomaaliga ayaa madasha lagu abaalmariyay.

Waxaa markaas kaddib loo gudbay habsami-socodka madasha bahdhigga buugaagta uu qoray Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” waxaana meesha ka hadlay dad soo akhriyay buugaagta.

Waxaa lagu billaabay buugga lagu magacaabo GODOB IYO GALLAD, buugaas oo ah mid uu qoraagu mala-awaalay maskaxdiisana ka tuujiyay.

Dadka buugga soo akhriyay ayaa ka hadlay waxyaabaha soo jiitay ee ay buugga ku arkeen. Waxaa si gaar ah loo xusay qaab-qoraalka ama dhigaalka buugga: Buugga ayaa ka hadlaya dhacdooyin dhici kara, kuwaas oo laga yaabo in ay goobta joogaan dad la soo kulmay ama ka warqaba dhacdooyin la mid ah kuwa uu qoraagu mala-awaalay.

Waxaa kale oo ay dadka buugga soo akhriyay la ashqaraareen sida baraxa-tiran farshaxannimaduna ku larantahay ee uu qoraagu sheekooyinkan u soo gudbiyay isagoo isticmaalaya qaab-dhigaalka iyo lahjadda/lahjadaha looga hadlo qaybo kamid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Buugga labaad ee la soo bandhigay oo lagu magacaabo LAABTA KA SOCO ayuu qoraagu ka hadlay wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay buug uu ugu talaggalay in uu dadkiisa ku hoga-tusaaleeyo.

Xogta iyo macluumaadyada ay xambaarsan yihiin buugaagtan ayaa ah kuwa ay baaxaddoodu ballaarantahay, sidaas darteed aan iibsanno, akhrisanno kaddibna dhex-muquuranno macluumaadyadaas!

Buugaagtan ayaad waxaad ka heli kartaa Xarunta Ururka Dhallinyarada ee Kanava, Helsinki Finland.

XUQUUQDA SAWIRRADA: ABDIRIHIN HUSU

SSMV