Booliska Finland oo waddooyinka u soo baxay billaabashada sannad-dugsiyeedka deyrta darteed

Sawirku kiiska lama xiriiro SSMV

Waxaa la arkayay boolis fara badan oo lug iyo gaadiidba ku socda oo kormeeraya ammaanka waddooyinka ka ag-dhow dugsiyada, gaar ahaan kuwa hoose-dhexe oo ay xilli-dugsiyeedka deyrta billaabayaan carruur aad u fara badan.

Waxaa xusid mudan in booliska Helsinki ay goobo badan oo magaalada Helsinki ah ku ganaaxeen darawallo si aan sharciga waddooyinka waafaqsanayn ugu dhaqmayay waddooyinka. Si gaar ahaan booliska ayaa ganaax lacageed ku riday in ka badan labaatan darawal oo iyagoo baabuur wada haddana isticmaalayay telefoonka gacanta.

Ku dhowaan 55000 oo arday ayaa sannadkan billaabaysa fasalka koowaad.

Sida caadada ah, booliska iyo dadka/ururo iskood isu-xilqaamay ayaa maalinta koowaad ee uu sannad-dugsiyeedka deyrtu billowdi gaaf-wareegga waddooyinka ku hareeraysay dugsiyada.

Ujeedadda hawlgalka boolisku ayaa ahayd ilaalinta ammaanka carruurta yaryar ee billaabaysa safarkooda waxbarashada. Booliska Helsinki oo ilaalo xooggan ka qabtay waddooyinka ku hareeraysan dugsiyada.

SSMV