Finland waxaa laga helay maanta 184 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 04.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 184 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 529 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 028 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 40 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay109 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 30 qof , iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 10qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 47
Vantaa 23
Espoo 20
Salo 15
Tampere 9
Turku 8
Lahti 8
Kerava 5
Eurajoki 4
Oulu 3
Seinäjoki 3
Lappeenranta 3
Nurmijärvi 3
Vihti 3
Hämeenlinna 2
Kauhajoki 2
Hyvinkää 2
Paimio 2
Naantali 2
Vaasa 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 120 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 915 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 24 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.04).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 698 107 oo qof (04.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 154 212 688 50 612 465
Tirada u dhimatay feyruska 3 227 828 1 075 268

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 618 499 40 953 224
Tirada u dhimatay feyruska  122 873 535 905

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 20,275,543   355 828    3 438  222 383
Baraaziil 14,791,434     36 524    1 054  408 829
Turkiga  4,900,121     24 733       347     41 191
Jarmalka  3,435,877     10 279       194     84 020
Arjantiin  3,021,179     15 920       540    64 792
Kolombiya 2,905,254     11 599       464    75 164
Iiraan 2,555,587     20 732       391    72 875

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 973,604       14 048
63 Denmark 253, 673    761    1    2 490
88 Norwey 113,952    483     1       757
159 Iceland  6 483    11              29
42 Saudi-Arabia  420 301    953    13     6 992
133 Soomaaliya  13,915             713

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERs