Xayiraadihii dhinaca safarka oo ay Finland ku soo rogtay saddex dal oo maanta dhaqangelaya

Helsinki 27.7.2020- Finland ayaa maanta dib u soo celinaysaa ilaalinta xuduudaha ee gaadiidka ka imaanaya dalalka Islofeeniya, Iswiisarland iyo Awsteriya. Xayiraadahan ma quseeyaan maraakiibta raaxada.

Sababta keentay in dib loogu soo rogo dalalkan xayiraadda dhinaca socdaalka ah ayaa lagu sheegay xaaladdooda Koronaha oo dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay sii xumaanaysay.

Xukuumadda Finland ayaa talaadadii la soo dhaafay gaartay go’aanka maanta dhaqangalaya ee ku saabsan xayiraadaha safarka. Go’aanka.

Suomen Somali media