Qof feyruska Korona qaba oo hoolka dabaasha ee Leppävaara tegay iyo magaalada Espoo oo war ka soo saartay arrintaas

Espoo 13.8.2020- Hawlwadeenno caafimaad oo ka hawlgala magaalada Espoo ayaa sheegaya in qof korona laga helay uu tegay hoolka dabaasha Leppävaara dhammaadka todobaadki hore.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay magaalada Espoo, waxaa Axaddii la soo dhaafay ee bishu aheyd 9.8.2020 hoolka dabaasha ee Leppävaara joogay qof laga helay feyruska korona.

Qofka xanuunka laga helay waxaa uu hoolka dabaasha joogay 9.8.2020 inti u dhexeysay sagaalkii -tobankii subaxnimo (9.00-10.00).

Magaalada Espoo waxaa ay dadweynaha ka codsaneysaa, in dadkii xilligaas joogay hoolka dabaasha ay la socdaan caafimaadkooda iyo astaamaha xanuunka illaa iyo 23ka bisha Agoosto, taasoo loola jeedo illaa iyo toddobaadka dambe. Magaalada Espoo ayaa baaritaan u diri doonta qofkii isku arka astaamaha feyrsukan lagu garto.

Xuquuqda sawirka: Länsiväylä.fi
Waxaa qoray: Abdirizak Sugulle